Drömverkstan

Drömverkstan

Drömverkstan waxey xiisaynaysaa in la abuuro shaqo iyaga u gaar ah sida farsamooyinka farshaxanka kala duwan iyo qalabka. Laga yaabaa inaad doonaysid in aad rinjiyeeso, sameyso alaabta laga suubiyo dhoobada, qorista geed.Waxaa le oo aad u soo bixi kartaa dibida oo aad la kulmi kartaa saaxiibada aad isku da'da tihiin oo ka sheekeesan kartiin waxa aad xiiseesaan.

Xataa waxaa suuragal kuu ah inaad iskaada u hesho fursad shaqo xaruntooda soo bandhigada farshaxanka.

Wargelinta Drömverkstaden waa inay ahaato mid deggan oo hagaagsan.

 

Waxaan heynaa afar qol oo shaqo ah waxaa ka buuxa waxyaabo kala duwan oo leh ujeedooyin badan:
• Snickeriet waxaad ku samayn kartaa sida sanduuqyada, alaabta caruurta ku cayaarto ama naqshad sameynta baaquli alwaax ah.

Mashiinada waxaa laga yaabaa iney isticmaalaan shaqaalaha oo keliya iyo hadii aad ka weyn tahay 18 sano waxa isticmaalaysaa nooc ka mid ah mashiinada. Shaqaalaha ayaana kaa caawini doono.

• Textilen waxaa yaalo waxyaalo kala duwan oo aad u heli karto tusaale ahaan, inaad toli karto boorso, barkain, maro sharaxaad, marada miiska oo qurxan, ama mudac in aad ku sameeso shaalka qoorta lagu xirto xiliga qaboobaha.

• Stora ateljén waxaad ka heleysaa qalab badan oo aad u baahan tahay.

Saacadaha furitaanka.external link, opens in new window