Si aad u hesho kaarka amaahda maktabadda
Si aad u amaahato waxaad u baahan tahay kaarka amaahda. Kaarka amaahada waa lacag la'aan. Waxaad u baahna tahay kaarka aqoonsiga si aad u sameysato kaarka maaktabadda.
Waxaad mas'uul ka tahay kaarka waxaana isticmaali karo adiga oo keliya. Hadii aad lumiso kaarka maktabadda, waa in aad noo soo sheegtaa si aan qofkale ugu amaahanin. Hadii aad u baahantahay kaar cusub waa 20kr.
Waxaad mas'uul ka tahay waxa aad amaahatay iyo waa in shakhsi ahaan loo hubiyo in aad soo celisay waxyaabaha amaahatay iyo waqtiga.
Hadii aadna soo celinin wax yaabahii aad amaahatay waqtigeeda waxaa waajib kuugu ah in aad bixiso lacag. Lacagtaas qiimaheeda waa hal karoon maalin kasta halkii buug. Iska ilaali wax kasto oo aad ka amaahato in la jibiyo. La jeex jeexo, ama la qoyo.Waxna kuma qori kartid buugaagta. Hadii aad lumiso amaahda waxaa waajib kuugu ah inaad bixiso qiimaha loogu talagay.
Carruurtu waxay heli karaan kaarka amaahda markay gaadhayaan da'da 6 sano. Waalidka ilmaha waa inuu buuxiyaa foom kaas oo laga soo qaadan karo maktabadda.

Xiriiro kale
Maktabadda
Haddii aad lumiso ama si khalad ah u burburiso waxa aad amaahatay, waa in aad bixasaa qiimahooda.
Waa imisa qiimaha: External link, opens in new window.
La xiriir maktabadda
Wac 0270-755 10
Ama u dir Email