Magangelyo iyo daryeel caafimaad ee muhaajiriina

Magangelyo iyo daryeel caafimaad ee muhaajiriina

Gobalka Gävleborg wuxuu masuul ka yahay fulinta baaritaan caafimaad dhamaan magangalya doonka iyo muhaajiriinta soo gala gobolka Gävleborgs län. 

Mowduuca ku saabsan sahan caafimaad waa dadka magangalyo doonka ah, qaxootiga, caruurta ka yar 18 sano, qoysaska qaraabadooda u dacwootay, iyo kuwa ku yimid jaceylka, dadka shaqada ku yimid, ardeyda, qaxootiga qarsoon, kuwa anaa heysan wax dukuminti ah iyo dadka fiisaha mudo kabadan 3 bilood.

Baarintaanka caafimaad waxaa muhiim ah in la ogaado cudarada faafa, ee loogu hortago faafida cudurka iyo in la arko daka dalka ku cusub si loo tallaalo. Waxay sidoo kale ka heli kartaa talo bixin ku saabsan sida ay u raadsadaan lahaayeen daryeelka ugu dhow iyo meel sax ah.

Baaaritaanka caafimaadka waa bilaash gobolka ayaa bixinaaya, tikidka baska, turjuwaanka, marwalba waa diyaar xiriirin tefoon ama asiga oo kula fadhiya.

Halkan waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan baaritaanka caafimaadka ee luqadaada! External link, opens in new window.

Khariidadda: Magangalyo iyo soogalooti caafimaad. External link, opens in new window.

Farmashiye

Dawada waxad ka iibsanaysaa farmasiga. Dawooyinka qaarkood waxa loo baahanyahay warqad dhakhtarkaagu soo qoray. Dadka ka shaqeeya farmasiga wax badan ayey ka yaqaaniin cudurada kala duwan iyo dawooyinka. Waxa ay ka jawaabi karaan qaar badan oo su´aalahaaga ka mid ah. Farmasiiga waxa sidoo kale ka jira warbixin iyo qoraallo ku saabsan cudurada kala duwan.