Computarka iyo daabacaadda

Waxaa jira wifi free ah maktabadda. Shabakadda magaceedu waa Netloan. Waxaad ku gelikartaa lambarka kaarka ee maktabada ama cinwaankaada iyo PINka sirta ah. Maktabaddu waxay leedahay dhowr kombiyuutar oo aad ka amaahan karto si lacag la'aan ah. Waxaad isticmaali lambarkaaga kaarka maktabadda iyo PINka sirta ah. Shaqaalaha ayaa ku tusi doona sida loo isticmaalo.

Shaqaaluhu waxay kaa caawin karaan marka aad daabacaad ama dukuminti aad koopi u rabto. Waxaad ku daabacan kartaa mimori ama USB. Waxaad si toos ah uga daabacan kartaa telefoonkaaga gacanta. Barnaamijka loo yaqaan Princh ayaa loo baahan yahay. Nuqul kasta iyo daabacaad kasta waa 2 kr. Nuqullada iyo daabacadaha midabada leh waa 4 kr. Waxaad ku bixisaa lacagta caddaan ama kaarkaada oo saaran miiska macluumaadka.

Waxaan sidoo kale kaa caawin karnaa inaan kuu dirno fakisyada. Bog kasta waa 5 kr Iswiden gudaheead iyo 10 kr dalka dibadiisa. Waxaad dokumentigaada iskaner ugu dirsan kartaa cinwaanka e-mail kasta. Waa bilaash iskanka. Shaqaalaha ayaa kaa caawin doona taas.

Haddii aad ubaahan tahay caawinaad dheeri ah oo la xidhiidha kombiyuutarada, taleefannada gacanta, kumbuyuutarrada ama internetka, waxaad ka heli kartaa Maktabadda, Maktabaddu waxaa jira waqtiyo balaadhan oo loogu tala galay. Akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan caawimaadda Dijitalka ah ee bogga maktabadda. External link, opens in new window.