Etableringen på AF

Etablering på Arbetsförmedlingen ee xafiiska shaqada (ISA Office), caawimaad cusub ayaa la bilaabi doonaa inta lagu jiro marxaladda aasaasiga ah.

Halkan waxaa laga helaa xirfado badan oo dhammaantood ka shaqeeya ajaanibta.

Xafiiska shaqada waxaa ka shaqeeya qof adiga kaa masuul ah, sida shaqaalaha, bulshada iyo la taliyayaal.

Xafiiska ISA waxuu hagaa dadka si ay u noqdaan bulsho fiican.

Halkan waxa ay ka heli karaan taageero inta ey ku guda jiraan barashada luqada iswidhish ka ee dadka soo galootiga ah SFI.

Waxey bixisaa dhammaan qoraalada asaasiga ah ee cilmiga bulshada. Waxaa ka mid noqon kara daryeelka ilmaha, dugsiga, sida loo codsado wax deeq, deyn qalabka guriga iyo caymiska ama sida loo helo daryeel caafimaad oo sax ah.

Dadka ku cusub dalka oo wataa shahaadooyinka dalkooda hooyo xafiiska ISA waxuu u fududeeyaa si loo qiimeeyo isla markaana loogu helo shaqo baraktik ah si uu u galo suuqa shaqada ee iswidhish ka.